Qaraxyo Ka Dhacay Magalada Baladweyne Iyo Faah Faahin Ka Soo Baxeysa

Qaraxyadaan oo ahaa miinooyinka dhejiska ayaa waxa uu xalay Saqdii dhexe ka dhacay Magalada baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Dad ku sugan Baladweyne ayaa waxa ay Warbahinta  u sheegeen in qaraxyada ay ahaayeen kuwo lagu dhejiyey Saddex ka mid ah Soolarada Cadceeda ku Shaqeeya ee ku yaalla Baladweyne,isla markaana xalay Saqdii dhexe ay qarxeen balse aysan jirin cid wax ku noqotay maadaama ay aheyd xilli dadka ay wada hurdeen.

Soolarada qaraxyada lagu dhejiyey ee Saddexda ah ayaa waxa ay ku yaallaan Xaafada Howl-Wadaag ee Magalada Baladweyne,waxana lagu soo waramayaa in ay bur bureen.

Mas’uuliyiinta Maamulka gobolka Hiiraan ee ku sugan Magalada Baladweyne ayaa la filayaa in ay Goordow faah faahin intaasi ka dheer ka bixiyeen soolarda Cadceeda ku shaqeeya ee lagu qarxiyey Magalada Baladweyne.

Magaalalada Baladweyne badi Wadooyinkeeda ayaa waxaa suran soolarka ku Shaqeeya Cadceeda,waxana qaarkood saameyn ku yeeshay fatahaadii iyo roobabkii ka da’ay Magaalada Baladweyne.

Leave a comment

Your email address will not be published.

*