Habka cusub ee waxbarashada Dugsiyada Soomaaliya oo bilaabanayo Agosto

Dagaalkii sokeeyey siyaabo badan ayuu u dhaawacay dalka. Qoysasayuu kala geeyay, xukunka sharciga ayaa meesha ka baxay, hay’adaha dowladda ayaa burburay, waxbarashaduna burbur xooggan ayaa gaaray, waa qaar ka mid ah dib u dhacyada dalka soo gaaray colaadda sababo la xiriira colaadda.

Sanadihii ugu dambeeyay kaddib markii uu dagaalka soo afjarmay, waxaa si tartiib ah u soo wanaagsanaaneysay qaybta waxbarashada, iyada oo ay mas’uuliyiintu oo dareensan muhiimadda ay waxbarashadu u leedahay horumarka muddada dheer ee dalka, ay dadaal u galeen in ay dib u soo celiyaan.

Hase yeeshee, tani waxaa ay horseedday xaalad ka baxsan gacanta dowladda, iyada oo ay jiraan nidaamyo iyo hab-dhismeedyo kala geddisan oo isku dhex yaacsan oo loo isticmaalaya dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare, kuwaas oo qaadanayay nidaam kasta oo ay jecleysteen milkiilayaasha. Xita xilli dugsiyeedka iyo buugaagta la adeegsado waa ay ku kala duwanaayeen dugsiyo badan oo ku yaala qaybo kala duwan ee dalka.

Dhammaan arrimahan, waa ay isbeddelayaan bisha soo socoto
“30-kii sano ee ugu dambeeyay, dalku waxaa uu baahi weyn u qabay nidaam waxbarasho oo ay Soomaalidu leedahay ayna Soomaalidu diyaarsatay – ugu dambeyn, hadda waan helnay,” ayuu yiri Maxamed Cabdulqaadir, oo ah La-Taliyaha Wasaaradda Waxbarashada ee Dowladda Federaalka ah, ahna mas’uulka u qaabilsan kormeerka hirgelinta nidaamka cusub ee waxbarashada, oo uu ku jiro manhajka cusub ee qaranka, ee Soomaaliya oo idil.
Horraanta bisha Agosto, kaddib markii ay ardaydu u soo dhammaato fasaxa caadiga ah ee labada bilood, nidaamka waxbarashada ee dalkan ku yaal geeska Afrika waxaa ku imaan doonaa isbeddel aad u weyn kaddib markii la qaato nidaam mideysan oo isku dhafan oo loogu talagalay dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare, kaas oo wax waliba daboolayo, laga bilaabo maaddooyinka ilaa iyo xilliyada dugsiga.

Nidaamkan cusub ee waxbarasho, oo inta badan loo yaqaanno ‘nidaamka 4-4-4-,’ ardayda muddo afar sano ayay ku qaadanayaan dugsiga hoose, afar sano ayay ku qaadanayaan dugsiga dhexe, afar kalena waxaa ay ku qaadanayaan dugsiga sare ka hor inta aysan u gudbnin waxbarashada heerka sare.

Waxaa intaasi dheer, in ardayda hibo u leh dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin ciyaaraha, muusikada iyo farshaxanka la aqoonsan doono lana kobcin doono si ay heerka ugu sarreeya ka gaaraan arrimahan.

“Ujeeddadeennu waa in aan xaqiijinno in carruurteenna ay helayaan waxbarashao iyo sidoo kale fursadaha oo ay kartidooda uga faa’iidi karaan naftooda iyo dalkooda,” ayuu yiri Mudane Cabdulqaadir.

Sanad dugsiyeedka waxaa loo kala qaybin doonaa labo xilli dugsiyeed, iyada oo xilli dugsiyeedka koowaad oo ka bilaaban doono bisha Janaayo uuna ku ekaan doono bisha Maajo, xilli dugsiyeedka labaadna uu ka bilaabanayo Agosto ilaa iyo Diseembar.

Si loogu diyaargaroobo nidaamka cusub, mas’uuliyiinta dowladda federaalka ah ayaa barnaam tijaabo ah ka hirgeliyay dhowr dugsi oo ku yaal caasimadda dalka ee Muqdisho, iyada oo ay macalimiinta ka hawlgala guud ahaan dalka qaadanayeen tababar tan iyo bilowga bishii Juun.

Isbeddelada ugu waaweyn ee manhajka

Waxaa ka mid ah farqiga ugu waaweyn ee manhajka cusub waa luuqadda waxbarashada. Inta uu socday dagaalka sokeeye, tiro yarida buugaagto ku qoran Af-Soomaaliga darteed, dugsiyada waxaa ay isticmaalayeen buug allaale buugga ay heli karaan. Buugaagtan waxaa ay ka imaanayeen in ka badan toban dal, taasi oo keentay in luuqadaha Ingiriiska iyo Carabiga ay beddelaan af-Soomaaliga dhinaca waxbarashada.

“Hadda, luuqadda waxbarashada ee dugsiga hoose-dhexe waxaa ay noqoneysaa af-Soomaali, halka Carabiga iyo Ingiriiska laga isticmaali doono dugsiga sare,” ayuu yiri Mudane Cabdulkadir, oo horey u ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada. “Waxaan aaminsanahay in ay tani keeneyso kala dambeyn.”
Waa fikrad ay qabaan ardayda haatan wax barata.

“Waa markii ugu horreeyay ee aan arko buugaag gaar ah oo ay ansixisay dowladda ee maaddo walbo ah. Waagi aan dhiganeynay dugsiga hoose-dhexe, waxaa nala soo hordhigayay buugaag laga kala keenay waddamo kala duwan,” ayuu yiri Abukar Ilyaas Maxamed oo ah arday ku jira fasalka toddobaad.

Waxaa jiri doonaa toddoba maaddo oo muhiim ah – xisaab, saynis, waxbarashada bulshada, waxbarashada diiniga, Carabi, Ingiriiska iyo Soomaali – iyo sidoo kale maaddooyin la xiriira mowduucyada sida nabadda iyo caafimaadka. Fasallada la xiriira Qur’aanka waxaa lagu dari doonaa maaddada casharrada diiniga.

Si dhallinyarada loogu dhiiriggeliyo ganacsiga, iyo iyada oo lagu aqoonsaya dowrka uu ku leeyahay caalamka, dowladda waxaa ay maaddooyinka lagu baran doonaa nidaamka cusub ku dartay tiknoloojiyadda macluumaadka iyo xiriirka.

“Maddooyinka ugu muhiimsan ee manhajka cusub waxaa ay sii ahaanayaan toddoba, halka ICT-ga uu noqon doono maaddada kaliya ee laga bilaabi doono dugsiga dhexe, sababo la xiriira muhiimadda uu ku leeyahay caalamka maanta,” ayuu yiri Mudane Cabdulqaadir.
Mas’uulkan qaybta waxbarashada oo 65-jirka ah ayaa intaasi raaciyay in nidaamka cusub si wanaagsan looga soo dhaweeyay heer federaal iyo heer maamul goboleed.

Xill laga baxayo nidaamka hadda jira, oo ardayda looga baahan yahay in ay u fadhiistaan imtixaanada shahaadiga si ay uga gudbaan dugsiga hoose-dhexe iyo dugsiga sare, ugu dambeynna jaamacadda, ardayda ayaa waxaa ay haatan qaadan doonaan qiimeyn joogta ah si loo xaqiijiyo in hab dhammeystiran oo isku dheellitiran loo wajaho waxbarashada, kaas oo aan inta badan ku saleysneyn in lagu guuleysto tiro yar ooo imtixaanno ah.

“Waxaan aaminsannahay in manhajkan cusub uu yahay xulasho wanaagsan, maadaama hadafkeenna uu yahay in aan soo saarno arday aan kaliya lahayn karti balse sidoo kale ah aqoon yahaanno markii ay dhammeeyaan dugsiga sare,” ayuu yiri Mudane Cabdulqaadir.

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, Hay’adda Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka (UNESCO), Soomaaliya waxaa ay leedahay heerarka ugu hooseeya ee is diwaangelinta waxbarashada ee carruurta gaartay da’da waxbarashada. UNESCO waxaa ay ku qiyaaseysaa in ay jiraan 4.4 milyan oo carruur ah oo aan dugsiyada aadin, taasi oo u dhiganta ku dhowaad badh ee tirada guud ee dadweynaha ku dhaqan dalka ee ah 9.2 milyan. Markii si kale loo dhigo, tobankii carruur, afar kaliya ayaa dugsiga aada.

UNESCO ayaa xustay in dalka uu aad uga fog yahay in uu gaaro Yoolalka Horumarka Raandhiiska leh ee lagu xaqiijiyo waxbarasho loo wada dhan yahay loona siman yahay.

Hay’addan QM ayaa hase yeeshee intaasi raacisay in xaaladdan wax laga beddeli karo hadii la helo waxbarasho tayo leh oo mideysan iyo tababaro la xiriira xirfadaha nolosha, kuwaas oo horumarin karaa helitaanka waxbarashada iyo sinnaanta dhinaca waxbarashada.

Mudane Cabdulqaadir ayaa aaminsan in haddii la helo taageerro habboon, uu nidaamka wax barashada gacan ka geysan karo horumarinta heerarka is diiwaangelinta, maadaama la filayo in uu dalka dib ugu laabto siyaasaddiisa ka hor dagaalka sokeeye ee ahayd in uu bixiyo waxbarasho bilaash ah iyo waxbarashada aasaasiga ah ee khasabka ah.

Macalimiinta iyo ardayda oo u diyaar garoobayo

Nidaamka cusub ayaa haddaba sare u qaaday rajada, isla markana macalimiinta iyo ardayda ku dhaliyay farxad.

Muxidiin Cabdullaahi Maxamuud oo ah macalin bixiya waxbarashada Islaamiga oo haatan tababar ku qaadanayo Dugsiga Wiilwaal ee ku yaal Muqdisho, ayaa sheegay in manhajkan cusub uu yahay mid xoogga saarayo ardayda isla markana u roon ardayda.
“Dhammaan waxa na looga baahan yahay in aan soo dhaweynno manhajkan maadaama uu yahay mid dan u ah dalka iyo jiilka dambe, oo aan aniga soo saarayo,” ayuu xusay Muxidiin.

Farxiya Cabdalla oo ah macalimad rug caddaa ah oo muddo 18 sano dhigeysay luuqadda Ingiriiska ayaa aaminsan in maaddooyinka la bixin doono ay yihiin kuwo u muhiim u ah Soomaaliya.

“Manhajkan cusub waa mid ku saleysan deegaankeenna,” ayay xustay. “Wuxuu jawaab ka bixinaya nooca ay noqonayaan ardayda la soo saarayo, asaga oo isla markana tixgelinaya dhaqanka iyo hiddaha.”

Qaar ka mid ah ardayda haatan wax ku barta nidaamka hadda jira ayaa ka xumaaday in aysan ka faa’iideysan doonin isbeddeladan.

“Waa nasiib darro in aan ka mid ahaan doonin,” ayuu yiri Xaniif Cabdulqaadir Aadane, kaas oo rajeynayo in uu noqdo dhaqtar, isla markana hadda isu diyaarinayo imtixaanaadka sanadka siddeedaad. “Balse, waxaan ku faraxsanahay ardayda iga hooseyso maadaama ay waxbarashadooda ku soo qaadan doonaan manhaj ka wanaagsan oo ka nidaamsan kii hore.”

Leave a comment

Your email address will not be published.

*