XOG: Guluf dagaal oo ka dhan ah Al-shabaab oo abaabulkiisa ka socdo Jubaland

Waa Ciidamo ka tirsan Nabadsugidda Jubaland oo maraya mid kamid ah wadooyinka Kismaayo

Waa Ciidamo ka tirsan Nabadsugidda Jubaland oo maraya mid kamid ah wadooyinka Kismaayo

Dowlad goboleedka Jubaland ayaa maamusha inta badan degmooyinka iyo deegaanada gobollada Gedo iyo J/hoose, balse gobolka J/dhexe ayaa gabi ahaanba ka maqan gacanta dowladda ayadoo  ay maamulaan maleeyshiyaadka Al-shabaab, waxaana laga joogaa mudo ka badan 4 sano markii ciidamo isku dhaf ah oo ka tirsanaa dowladda Soomaaliya iyo ururkii Raaskaambooni oo isgarabsanaya ay Al-shabaab kala wareegeen magaalada Kismaayo oo xilligaasi ahayd saldhiggii ugu weynaa ee kooxdaasi.

Inkastoo marar badan ay madaxda dowlad goboleedka Jubaland ka dhawaajiyeen in deegaanada ka maqan gacanta dowladda ay ka xoreyn doonaan Al-shabaab, balse ma suurogalin, waxaana dad badan ay is weeydiinayeen waxa sababay in howlgalladu bilaaban waayay oo mudo ka badan afar sano uu gobol dhan ka maqnaado gacanta dowladda.

Hadaba shabakadda Jubaland Media ayaa arimahaasi u kuurgashay, waxaana baaritaan ku sameeynay qorsheyaasha ay wado dowlad goboleedka Jubaland ee ku aadan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee la filayo in dhawaan ay ka bilowdaan gobollada Jubooyinka.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Max’ed Islaam ayaa kal hore dowlad Soomaaliya ku dhaliilay in ay dayacday ciidamada xoogga dalka ee ku sugan gobollada Jubooyinka, isagoo dowladda ugu baaqay in ay si deg deg ah usoo qalabeeyso.

Madaxda ugu sareeysa ee Jubaland ayaa dadaal ku bixinaya sidii la isaga kaashan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, waxaana dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ay culeys ku saarayaan in la dhaqaaqo.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka waxaa haatan ku sugan taliyaha ciidamada xoogga dalka qeybta 43-aad ee Jubaland Gen. Ismaaciil Saxardiid, kaa oo ay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya uga yeertay Muqdisho, waxaana la filayaa sida ay inoo xaqiijiyeen ilo ku dhow dhow in dowladda Soomaaliya uu ka gudoomo saanad Militari oo loogu talogalay cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo xilliyo kala duwan tababarro loogu soo xiray Kismaayo iyo qeybo ka tirsan degmooyinka kale ee Jubaland kuwaa oo aan la siin hub ay ku howlgalaan.

Kismaayo waxaa ku sugan 1500 oo askari oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo dhawaan tababar loo soo xiray, ciidanka ayaa heysta oo qura dareeska ciidamada xoogga dalka, balse ma jirin wax hub ah oo la siiyay.

Sidoo kale degmooyinka xorta ah ee Jubaland ayaa lagu diyaariyay ciidamo kala duwan oo isugu jira Nabadsugid iyo Daraawiish, kuwaa oo ka qeybqaadan doona howlgallo ballaaran oo la filayo in ay ka biloowdaan gobollada Jubooyinka.

Hadaba ciidamada kala duwan ee ku sugan Jubaland ma yihiin kuwo Al-shabaab ka xoreyn kara goobaha ay uga suganyihiin Jubaland?

Gen. Ismaaciil Saxardiid oo weeydiintaasi ka jawaabaya ayaa sheegay in hadii la qalabeeyo ciidamada xoogga dalka ee ku sugan Jubaland, sidoo kale ay jiraan ciidamo kale oo ka tirsan dowlad goboleedka Jubaland oo qalabkoodii u dhameystiranyahay, waxa uu xusay in iska daa Jubooyinkii ay Shabaab ka xoreyn karaan guud ahaan Soomaaliya.

Ciidamada Mareeykanka ee ku sugan Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa la filayaa in ayaguna qeyb ka noqdaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee la filayo in Dhawaan ka biloowdaan Jubooyinka.

 

 

Nagala soo xidhiidh jubalandmedia@gmail.com

Leave a comment

Your email address will not be published.

*