Xildhibaanno si kulul uga hadlay xaaladdaha kasii daraya ee abaaraha gobolka Gedo

Mudaneyaal ka tirsan baarlamanka dowlad goboleedka Jubaland oo kulan ku yeeshay magaalada Kismaayo ayaa si kulul uga hadlay xaaladaha kasii daraya ee dhanka abaaraha ee ka jira gobolka Gedo, ayagoo dhaliil u jeediyay gudiyada gurmadka abaarah heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

Mudaneyaashan ayaa sheegay in qoysas badan oo ku xoolo beelay abaaraha ay ku barakaceen degmooyinka kala duwan ee gobolkaasi, ayna u baahanyihiin gurmad deg deg ah.

Waxay ugu baaqeen gudiga gurmadka abaaraha dowlad goboleedka Jubaland in ay gurmad degdeg ah u fidiyaan qoysaskaasi, islamarkaana la gaarsiiyo adeegyada muhiimka ah ee ay dadkaasi u baahanyihiin oo ay ugu horeeyaan bay yiraahdeen raashiin iyo hooy ay ku noolaadaan.

Sidoo kale mudaneyaasha ayaa sheegay in ay jiraan xanuunno kala duwan oo ka dhashay abaaraha oo soo wajahay qoysaskaasi barakacayasha ah.

19756568_1881773432145735_5176146766168275351_n-1 19875259_1881774358812309_2037738236804155224_n

Nagala soo xidhiidh jubalandmedia@gmail.com

Leave a comment

Your email address will not be published.

*