Sawiro+Dhagayso:-waziirka Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare Ee Jubaland Oo Soogaray Degmada B Xaawo Ee Gobolka Gedo

Kormeerka wafdigaan ballaaran ee uu hogaaminayay waziirka wazaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowlad goboleedka somaliyeed ee jubaland macalin  maxamed ibarahim maxamuud   oo isugu jiray xubno kamid ah barlamaanka jubaland iyo agaasimaha wazaarada waxbarashada ayaa soogaray degmada b xaawo ee gobolka gedo waxaana halkaasi kuso dhaweeyay  mamulka degmada b xaawo oo uhorkacayo gudomiye kuxigenka degmada mudane sugow cali bare aya iyo qaar kamid ah saraakiisha ciidamada daraawiishta iyo nabad sugida dowlad goboleedka jubaland ……………..

 

Sodhaweyn kadib xubanaha wafdiga uu hogaminayay waziirka wazaraada waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowlad goboleedka jubaland macalin maxamed ibarahim  ayaa sameyay  kormeer ay ugu kuur galayeen goobaha waxbarashada ee kuyaala degmada b xaawo ee gobolka gedo waxaana goobaha ay kormeerka kutageen kamid ah qaar kamid ah iskuulada qadiimiga ah sida scholka khaalid, scholka buula xawo  iyo sidookale schoolada gaarka looleeyahay sida schoolka waaberi iyo kolejka samtec ee farsamada gacanta

 

Waziirka wazaarada waxbarashada iyo taclinta sare macalin maxamed  ayaa saxaafada uga warbixiyay waxyaabaha  ay kusaabsan tahay booqashadisa  ku aadan  goobaha waxbarashada  ee degmada b xaawo

 

Halkan Hoose Kadhageyso

Nagala soo xidhiidh jubalandmedia@gmail.com

Leave a comment

Your email address will not be published.

*