Jubaland oo eedeeyn u jeedisay wasaaradda boostada, isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyadda dalka

Dowlad goboleedka Jubaland ayaa eedeeyn dusha uga tuurtay wasaaradda boostada, isgaarsiiinta iyo Tiknoolijiyadda Soomaaliya oo ay ku eedeeysay in ay ku xad gudubtay heshiis ay hore uwada gaareen wasiiirka wasaaraddaasi iyo wasiirada dowlad goboleedyada dalka.

Wasiirka warfaafinta, isgaarsiinta iyo Tinoolijiyadda Jubaland Mudane C/nuur Cali Aadan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wasaaradda isgaarsiinta iyo Tiknooliyadda ay ku fududaatay sharciga ay u gudbisay golaha xukuumadda ee ay meelmariyeen, isagoo xusay in sharcigaasi lagu ballan sanaa in Kulan looga wada hadlo kahor inta aan la ansixin.

Waxa uu sheegay in shirkii ugu danbeeyay ee 06- bisha May ay wada qaateen madaxda wasaaradaha isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyadda dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe lagu ballan sanaa in shir kale la isugu yimaado Kismaayo, isagoo intaa ku daray in shirkii oo ay sugayeen in la qabto ay ka warheleen in sharcigii xukuumadda la horgeeyay arintaa oo uu ku tilmaamay mid xad gudub ah.

Sharciga Isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyadda ee ay meelmarisay Xukuumadda ayaa la filayaa in dhawaan la horgeeyo baarlamanka si uu u ansixiyo, hadii uu baarlamanku ansixiyana waxa uu noqon doonaa mid dhaqan gala.

 

 

Nagala soo xidhiidh jubalandmedia@gmail.com

1 Comment on Jubaland oo eedeeyn u jeedisay wasaaradda boostada, isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyadda dalka

  1. Adeer soomaaliya waxa mesha dhigay waa nalagalama tashan.

Leave a Reply to xaaji Aweys Cancel reply

Your email address will not be published.

*