Dhageyso:-xildhibano Katirsan Dowlad Goboleedka Jubaland iyo Mamuka Degmada B Xaawo Oo Kormeray Gobaha Waxbarashada

 

Xildhiban maxamed afey maxamud oo kamid ah mudanayasha barlamanka dowlad goboledka somaliyeed ee jubaland oo howlo shaqo ujogay degmada b xaawo ee gobolka gedo ayaa manta kormeer uu ugu kuur galayo xaalada waxbarasho ee degmada b xaawo waxa uu ku sameeyay qaar kamid ah goobaha waxbarashada gaar ahaan schoolkada waxaana kormeerkani kuwehlinayay xildhibaan afey xubno katirsan mamulka degmada b xaawo ee gobolka gedo gaar ahaan madaxa arimaha bulshada cqadir xusen ibraahim

 

Halkan waa schoolka waaberi primary school ee degmada b xaawo islamarkaana kamid ah goobaha uu xildhibaanku booqday waxana uu mid mid ugalay fasalada ay ardaydu waxkubartaan

 

Xildhibanka iyo xubanaha kuwehlinayay booqashadiisa ayaa kulan xog wareysi ah oo kusaabsan caqabadaha iminka uu scoolkan latacaalayo waxa uu kala shekaystay mamulka scoolka waaberi primary shool iyo qaar kamid ah gudiga schoolka iyagoona sheegay in caqabadaha ugu wayn ay kamid yihiin  qalabaynta dugsi sare oo haatan laga hirgalin dono schoolka waaberi mushaar la,aan iyo sidokale darbi la,aan maadaama uu schoolka daris la yahay xerada ciidamada darawiishta jubaland

 

Ugu dambayntiina xildhibaan maxamed afey maxamuud iyo madaxa arimaha bulshada degmada b xaawo cqadir xusen ibraahim ayaa goob fagaaro ah oo kutaalo isla schoolka waaberi primary school kula hadlay ardayda schoolkaasi iyagoona bogaadiyay mamulka schoolka iyo sidookale gudigaba marxaladaha adag e ay kushaqaynayaan waxaana u balan qaday xildhibaanku in wax laga qaban doono baahiyaha schoolka islamarkaana uukala hadli doono masuliyiinta dowlad goboledka  jubaland

 

HALKAN HOOSE KADHAGAYSO WARBIXINTA

Nagala soo xidhiidh jubalandmedia@gmail.com

Leave a comment

Your email address will not be published.

*