DAAWO: Jubaland oo soo bandhigtay meydadka Shabaab lagu laayay J/hoose

Ciidamada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland iyo kuwa Xoogga dalka ayaa xalay saqdii dhexe Shabaab kula dagaalamay duleedka deegaanka Lugloow oo qiyaastii 17 km dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo, waxaana labada dhinac halkaasi ku dhexmaray iska horimaad xooggan.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu qarxay kadib markii ciidamo ka tirsan daraawiishta Jubaland iyo kuwa xoogga dalka oo ku sugnaa saldhig ku yaal deegaanka Lugloow ay weerar qorsheeysan ku qaadeen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo isku abaabulayay duleedka deegaankaasi.

Saraakiisha ciidamada Jubaland ayaa soo bandhigay meydadka 13 askari oo ka tirsan Al-shabaab oo ay sheegeen in ay ku dileen weerarkii xalay, waxaa sidoo kale ay soo bandhigeen hub iyo qalab isgaarsiin oo ay wateen raggaasi lagu laayay weerarkii xalay.

Taliye ku xigeenka hay’adda Nabadsugidda Jubaland Axmed C/laahi Ciise (Gaas) ayaa sheegay in ciidamadu weerar qorsheeysan la beegsadeen maleeyshiyaad ka tirsan Shabaab oo isku abaabulay howdka deegaanka Lugloow, waxa uu xusay in ay afarta jaho xabad uga bilaabeen, ayna kala carareen, 13 ayuu sheegay in ay ka dileen, dhaawac badanna ay la baxsadeen.

IMG_0755 IMG_0758 IMG_0776IMG_0858IMG_0874IMG_0878IMG_07578 IMG_0790 IMG_0793 IMG_0818 IMG_0858

Nagala soo xidhiidh jubalandmedia@gmail.com

Leave a comment

Your email address will not be published.

*