DAAWO: Bangiga AMAL oo laan cusub ka furtay Kismaayo

Bangiga Shirkadda Amal ayaa markii ugu horeeysay si rasmi ah looga daahfuray magaalada Kismaayo ee xaurnta gobolka J/hoose ayadoo munaasabaddii daahfurta laanta uu bangiga ku yeelan doono Kismaayo ay ka qeybgaleen madax ka tirsan dowlad goboleedka Jubaland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Xafladda ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay wasiir ku xigeenka wasaaradda cadaaladda, dastuurka iyo arimaha Diinta Jubaland Mudane Aadan Inshaar, gudoomiyaha degmada Kismaayo iyo masuuliyiin kale.

Gudoomiyaha Bangiga Amal laantiisa Kismaayo Cismaan Cabdi Xasan oo ugu horeyn madasha ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay adeegyada uu bangigu u hayo bulshada iyo weliba waxyaalaha uu soo kordhin doono. Waxa uu ka codsaday bulshaweynta reer Kismaayo in ay kamid noqdaan macaamiishooda.

Gudoomiyaha ururka haweenka Jubaland Marwo Batraan Muxumed C/dulle oo kamid ahayd marti sharaftii goobta ka hadashay ayaa sheegtay in ay la shaqeyn doonaan bangiga cusub, ayadoo ka codsatay in ay soo kordhiyaan mashaariic ay ka faa’ideysan karaan shacabka.

Gudoomiyaha degmada Kismaayo oo goobta ka hadaly ayaa sheegay in Kismaayo ay ku talaabsaneeyso horumarro dhinacyo kala duwan leh, ayna manta ku faraxsanyihiin koboca dhanka ganacsiga ee ka jira magaalada.

Madaxa ugu sareeya ee Bangiga Amal Dr. Siciid Cali Shire oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in Bangigu laamo kala duwan ku leeyahay gobollada dalka, waxa uu sheegay in Bangigu yahay mid waafaqsan shareecada Islaamka waxtarna u leh bulshada.

Ugu danbeyntii waxaa munaasibadda hadal ka jeediyay islamarkaana daahfuray Bangiga Wasiir kuxigeenka wasaaradda cadaaladda, dastuurka iyo arimaha diinta, Dr. Aadan Inshaar, isagoo sheegay in Bangiga ay ka filayaan in uu qeyb ka noqdo dadaallada lagu horumarinayo nolosha bulshada, islamarkaana fursado shaqo siin doonto dhalinta.IMG_5469 IMG_5471 IMG_5475 IMG_5476 IMG_5482 IMG_5492 IMG_5493 IMG_5516 IMG_5541 IMG_5542 IMG_5554 IMG_5559 IMG_5568 IMG_5573 IMG_5590 IMG_5602 IMG_5615 IMG_5624 IMG_5630 IMG_5633

 

Nagala soo xidhiidh jubalandmedia@gmail.com

Leave a comment

Your email address will not be published.

*