Warbixin: Saamaynta abaarta iyo sahankii nolosha (DaawoSawirada)

Ugu yaraan afartii sano ee ugu danbaysay Dalka Soomaaliya  si buuxda ugama dain robabkii sanadka waxaana taasi ay keentay in ay isbiirbiirsato  abaar saamayn ba an ku yeelatay Dadka deegaanka iyo Xoolaha waxaan taasi ay sababtay in ay meesha ka baxdo daganaasha sugnaantii dadka ee deegaankii ay ku dhaqan jireen

Waxaana qof walba uu bilaabay sahanka halka uu ka helaayo nolol waxaana boqolal qof ay ku barakaceen wadamada dariska ah sida Kenya iyo Ethiopia  waxaana dadkaasi ay ka talaabeen xaduudka Dhobley Ceelwaaq Balad xaawo iyo Dolow oo ah Deegaanada iyo Degmooyinka ku dhararsan xaduudka wadamada aan soo sheegay

Muuqaalada Sawiradan waa Degmada Dolow ee Somaliya ee Gobolka Gedo oo aan shalay soo gaaray waxaana maanta kula kulmay buundada kala qaybisa ama isku xirta labada dalka ee Ethiopia iyo Soomaaliya  waxaa ka Gudbaya dad wali ku jira sahanka nolol wanaagsan kadib markii ay duunyo iyo deegaanbo ku beeleen abaarta ba an ee samaynta ku yeelatay

Masuuliyiinta Degmada iyo qaar kamid ah barakacayaasha oo aan laftooda la sheekaystay ayaa ii sheegay in ay jiran qoysas kala dagan labada dalka xeryaha barakacayaasha ah ee ka oodanyihin kuwaasi oo dhibaato ku qabo socod aan saldhig lahayn.

Dadkan waxay yihiin dad horleh oo ka soo hayaamaya deegaanadii ay daganaayeen ee gudaha Gobolada Gedo bay iyo Bakool waxaana kumanan ka mid ahi ay Dagan yihiin Degmada dolow Somaliya  waxayna mararka qaar ay ka helaan kaalmo aan ku filnayn hay adaha Samafalka ah halka kuwa kalena ay ku dulnool yihiin dadka Soomaaliyeed oo ku can ah Sooryeynta iyo soo dhawaynta

Sahanka Nolol wanagsan waa mid aan wali dhamanin waxaana dadka Somaliyeed wali ay ku jiraan jahwareerka ay abaartu ku reebtay  walina  ma haystaan Dawlad u dib u dajin u smaaysa iyo samato bixin waxaana dawlada hada jirta ay wali la daalaa dhacaysa fadhiisinta Nidaamka iyo kala danbaynta taasi oo ah tiirka koobaad  uu ka yahay amniga

Hayeeshee dalka Soomaaliyeed oo lagu tilmaamo Dal Hodan  ah xaga Qayraadka ayaa dadkiisa marka la eego waxaa kaga soo baxaysa su aalo badan waxaana jawaabaha ugu dhow ee la helo ay noqotay in ay sabab u tahay duminta dalkooda ay u gaysteen u qiil dayida qabiilka aan qaranimo lagu gaarin

Sahanka Nolol Wanagsan waa mid wali Socda Allahayoow Umadda soomaaliyed Saacid

19113086_1249736598472291_607610639_n 19073782_1249736721805612_1921095360_n 19073697_1249736198472331_473395590_n 19073683_1249736348472316_2067378564_n 19047834_1249736901805594_574671341_n 19046834_1249737058472245_1509989368_n 19046847_1249736115139006_2021896010_n

WQ/ Maxamed qani Xuuseen Kuusoow

 

Leave a comment

Your email address will not be published.

*