TOP NEWS :Mareykanka oo Liiska argagixisada ka saaray Sheekh Mukhtaar Roobow

Dowladda Mareykanka ayaa liiska Argagixisada ka saartay Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ka mid ahaa Saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab Abuu Mansoor ayaa ahaa Hoggaamiye kuxigeenki hore ee Al-Shabaab, sidoo kale waxaa uu mar soo noqday Afhayeenka Al-Shabaab.

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa u xaqiijisay VOA in Abuu Mansuur laga saaray liiska Argagixisada Caalamiga, waxaana madaxiisa dul saarnaa 5 milyan oo dollar  Abuu Mansoor ayaa sanadihii u dambeeyay la hadal hayay inuu wada hadalo hoose kula jiro dowladda Soomaaliya, isla markaana ay xurguf soo kala dhex gashay Hoggaanka Al-Shabaab.

Abuu Mansuur ayaa la sheegay inuu xurguf ay soo kala dhex gashay Hoggaamiyihii hore ee Al-Shabaab Abuu Zubeyr, kaddib markii ay dhowr arrimood isku qabteen oo ka mid ahaa Saraakiil ka tirsanaa Ururkaas oo la khaarijiyay, taas ayaana sabab u aheyd inuu gooni uga baxo Kooxda, isagoo sanado ku dhuumaaleysanayay miyiga Gobolada Baay iyo Bakool.

1 Comment on TOP NEWS :Mareykanka oo Liiska argagixisada ka saaray Sheekh Mukhtaar Roobow

  1. Waqalad in lagasaro liska wayo danbigu galay yaloracan

Leave a comment

Your email address will not be published.

*