SAWIRRO: Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Banaadir oo la afuray Madaxweeynaha dalka

Madaxweeynaha dalka ayaa xalay afur u sameeyay gudoomiyeyaasha cusub ee degmooyinka gobolka Banaadir, ayadoo afurku ahaa mid ay isku xog wareeysanayeen madaxweeynaha iyo gudoomiyeyaasha cusub.

Madaxweeynaha ayaa gudoomiyeyaasha la wadaay qorshaha dowladda ee dhinacyada amniga iyo horumarinta, isagoo sidoo kale ka dhageystay warbixinno ku saabsan xaaladda gobolka iyo weliba qorsheyaasha gudoomiyeyaasha ee ku aadan arimaha nabadda iyo isdhexgalka bulshada.

Madaxweeyne Farmaajo ayaa gudoomiyeyaasha ku wargeliyay in shaqaalaha loo qaadan doono xafiisyada kala duwan ee maamulka degmooyinka gobolka lagu qaadan doono aqoon, qof walbaana la geyn doono halka uu ku haboonyahay.

Waxa uu ku booriyay in gudoomiyeyaasha cusub ay wadashaqeyn la yeeshaan gudoomiyeyaashii hore, ayna ka qaadaan talooyinkooda, isagoo xusay in gudoomieyaashii hore uu kala hadli doono arintaasi.

Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ayaa markii lasoo magacaabay xilka ka qaaday dhammaan gudoomiyeyaashii degmooyinka gobolka Banaadir, isagoo soo magacaabay gudoomiyeyaal cusub.

kulanos kulanos1 kulanos3kulanos2

Nagala soo xidhiidh jubalandmedia@gmail.com

Leave a comment

Your email address will not be published.

*