Saqwiro+Dhagayso:- Shir looga hadlayo hannaanka Federalismka oo ka furmay Baladxaawo

Hayadda UNDP oo kaashanaysa dowlad gobleedka Somaliyeed ee Jubaland ayaa maanata waxa ay ka daahfurtay degmada Baladxaawo ee goblka Gedo Tababar ku saabsan nidaamka federaaliisimka iyo fahamka ay bulshada reer Jubaland gaar ahaan dadka kunool degmada Baladxaawo ay ka aminsanyihiin.

Kulanka ayaa waxaaka qayb galay masuuliyiin ka tirsan mamulka Degmada, waziirro,  xildhibaanno iyo sidoo kale  sarakiil katirsan dowlada goboleedka Somaliyeed ee Jubaland, odayaal dhaqameed, culumaa’udiin,  ururrada haweenka iyo dhalinyarada.

Ugu horeeyn waxa siwada jir ah siminaarkan kusaabsan nidaamka federaalisimka u daah furay gudomiyaha degmada Baladxaawo mudane Maxamud Xayd Cismaan iyo Axmed Guled oo ah madaxa UNDP ee deeganada jubaland iyagoona sidoO kale ka warbixiyay waxyaabaha loo qabtay kulanka.

Qaar kamid ah kasoo qayb galayaasha siminaarkan looga hadlayay hananka iyo nidaamka federaalisimka ayaa dhankooda cabiray waxyaabaha ay ka aaminsan yihiin federaaliisimka, ayagoo sheegay in ay arintan tahay mid muhiim ah loona baahanyahayin shacabku fahmaan nidaamka uu dalku qaatay ee Federaalka ah.

DSC04620

 

 

 

 

Nagala soo xidhiidh jubalandmedia@gmail.com

Leave a comment

Your email address will not be published.

*