Puntland oo baareeysa Weerarkii deegaanka Af-urur

Dowlad goboleedka Puntland ayaa lagu soo waramayaa in ay bilowday baaritaanno ku aadan dagaalkii ka dhacay deegaanka Af-urur ee dhex maray Al-shabaab iyo ciidamada Puntland, kaa oo ay ku dhinteen askar tiro badan.

Ciidamada Puntland ayaa shalay soo afjaray dagaalladii ay la galeen Al-shabaab ee ka dhacay deegaanka Af-urur oo ka tirsan deegaanka Buuraleeyda ah ee Galgala.

Golaha wasiirada Puntland ayaa sheegay in maleeyshiyaadka ka tirsan Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen saldhig ay ciidamada Puntland ku lahaayeen deegaanka Af-urur islamarkaana ay iska caabiyeen.

Afhayeenka dhanka howlgallada ee Al-shabaab Sheekh Abuu Muscab ayaa sheegay in weerarka ay ku fileen 61 askari oo ka tirsan ciidamada Puntland.

Balse Puntland ayaa warkaasi beenisay, ayagoo sheegay in ay ka hortageen weerarka, waxa ayna ka gaabsadeen in ay faahfaahin ka bixiyaan khasaaraha kasoo gaaray weerarkaasi.

Madaxweeynaha dalka Mudane Max’ed C/laahi Farmaajo iyo qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada ayaa ka tacsiyeeyay askartii iyo shacabkii ay waxyeelada kasoo gaartay weerarka ay Al-shabaab ku qaadeen deegaankaasi.

Nagala soo xidhiidh jubalandmedia@gmail.com

Leave a comment

Your email address will not be published.

*