Maxkamadda ugu sarreysa Mareykanka oo fasaxday xayiraadii Trump uu…

Maxkamadda ugu sarreysa dalka Mareykanka ayaa fasaxday in la dhaqangeliyo qeyb ka mid ah amarkii xayiraada socdaalka ee Trump inta ay maxkamaddu ka baaraan dagaysa sharci ahaanshaha amarkaasi.

Amarkaasi ayaa ka mamnucaya muwaadiniinta lix dal oo Muslimiin u badan oo ay Soomaaliya ku jirto inay u safraan Mareykanka muddo 90 maalmood ah. Wuxuu sidoo kale si ku meel gaar ah u hakinayaa barnaamijka qaabilaada qaxootiga muddo 12 maalmood ah.

Amarkan ayaa waxaa horay u diiday maxkamadaha hoose ee Mareykanka, taasoo ku qaaday in Aqalka Cad uu racfaan ka qaato taasi oo hadal haynta ugu badan ka abuurtay gudaha dalka maraykanka .

Maxkamadda ugu sarreysaya ayaa haseyeeshee amarkan sheegtay inuusan khuseyn doonin ajaaniibta dalalkaasi ee ”xiriirka macquulgalka ah” la leh Mareykanka, sida shaqo, waxbarasho ama xubnaha qoyskooda oo ku nool Mareykanka.

Madaxweyne Trump ayaa amarkan ku tilmaamay guul cad , wuxuuna ku dooday in xayiraada ay ka difaaci doonto Mareykanka khatarta uga imaaneysa dalalkaasi.

Leave a comment

Your email address will not be published.

*