Maraakiib Dagaal oo Mareeykanku leeyahay oo gaaray Qadar

US-Warships-Enter-Black-Sea-ahead-of-Olympic-GamesDowladda Mareeykanka aya maraakiib nooca dagaalka ah u dirtay dalka Qadar, maalmo yar kadib markii Madaxweeynaha dalkaasi uu taageeray eedeeymihii dowladda Sucuudiga iyo xulufadeeda u jeediyay dowladda Qadar ee ku aadanaa in ay taageerto Argagixisada.

Lama oga ujeedada rasmiga ah ee ka danbeeysay in Mareeykanku Maraakiib dagaal xilligan u diro dalkaasi.

Ciiidamada Ilaalada badaha dalka Turkiga ayaa lagu waday in ay sameeyaan dhoolatus Militari, waxaana arrintan ay kusoo beegmeeysaa ayadoo Ciidamada Ilaalada badda ee Qadar ay diyaargaroow ugu jireen badhigooda.

Dowladda Mareeykanka ayaa dalka Qadar ku leh Saldhigga ugu weyn ee Bariga Dhexe, mana la oga in qorsha ay Maraakiibta dagaal kusoo dirtay uu yahay mid hore loo qorsheeyay.

Dowladda Qadar ayaa waday qorshe ay mareeykanka uga iibsaneeyso Diyaarad nooca dagaalka ah, kaa oo ay kala sixiixdeen labada dal.

In ka badan 11,00 oo askari oo Mareeykanka ah iyo diyaarado dagaal oo ka badan 100 ayuu Mareeykanku hore u geeyay saldhiggooda dalka Qadar.

 

 

 

Nagala soo xidhiidh jubalandmedia@gmail.com

Leave a comment

Your email address will not be published.

*