SAWIRRO: Gaas oo Furay Kal-fadhiga 39aad ee Baarlaanka Puntland

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta  15 June 2017 si rasmi ah u furay kal-fadhiga 39aad ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Puntland.

Furitaanka Kalfadhigani ayaa waxaa goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Baarlaanka Puntland Mudane. Axmed Cali Xaashi iyo kuxigeenkiisa koowaad, Masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dowlad Goboleedka Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Puntland, guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Puntland, Wasiirka Dastuurka DFS, hay’addaha ka hawlgala Puntland, xildhibaano ka tirsan Barlamaanka DFS, Masuuliyiin ka socdey beesha caalamka, hay’addaha ka hawlgala Puntland,  gudoomiyaha dalladda PUNSA, ururka saxafiyiinta Puntland ee MAP, Isimo, cuqaal, waxgarad, Aqoon yahano iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland oo si rasmi ah u furay kalfadhiga 39aad ee Baarlaanka Puntland ayaa sidoo kale xadhiga ka jaray hoolka baarlamaanka Puntland oo lagu sameeyey dib u casriyeyn, waxaana uu munaasimada Furitaanka kalfadhiga ka jeediyey khudbad taarikhi ah taasi oo uu xooga kusaaray wax qabadka xukuumada uu hormuudka u yahay madaxweynuhu mudadii u dhexaysey labada kalfadi ee 38aad iyo 39aad, waxayna  khudbadiisu  salka kuhaysey waxqabadka  dhisida iyo kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland iyo sidoo kale xidhiidhada caalamiga ah ee Beesha Caalamka.

 

Mdaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland oo ku dheeraaday xaalada nabadgelyada dalka ayaa sheegay in Dowlad Goboleedka Puntland markasta ku heelantahay ilaalinta nabadgelyada, sharafta, cisiga, karaamada shacabka Puntland iyo sidii shacabkeedu nabadgelyo iyo xasilooni ugu warilahaa, waxaana uu ugu horayn ka hadlay wax qabka xukuumadu ka samaysay arrimaha amaanka.

” Mudane Gudoomiye, Mudanayaal sida aan wada ogsoonahay Puntland waxaa lagu soo qaaday duulaan wajiyo badan leh, oo uu ugu danbeeyay, duulaankii saldhiga ciidanka Daraawiishta ee Af-Urur si loogu waxyeeleeyo nabad galyadeena iyo jiritaankeena.

Mudanayaal, sida aad la socotaan waxay Dowladdu ku dhawaaqday 9kii June 2017 dagaal balaaran oo looga sifeynayo Puntland Burcad-Diimeedka Al-shabaab, waxayna ciidamadeenu u diyaarsan yihiin inay u dhaqaaqaan goob-kasta oo ay ku dhuumaalaysanayaan Al-shabaab, waxaana hubaal ah inay ka qoomameyn-doonaan shacabkii iyo Askarteenii ay waxyeelada u geysteen iyagoo Illaahay hortii u soomanaa. Sidoo kale Mudanayaal, waxaa lagu qabtay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso qaraxyo waaweyn oo lagu dhibaateyn lahaa shacabka Puntland ee qaaliga ah, wuxuuna maamulku abaal-marin iyo dalacsiin u diyaarisay ciidamadii qabtay qaraxyadii Boosaaso iyo Gaalkacyo iyo mujaahidkii ku dhintay qaraxii Boosaaso oo Dawladdu qoyskiisii u diyaarisay damaanad qaad nololeed.

 

IMG_7757 IMG_7744 IMG_7768 IMG_7775IMG_7791 IMG_7797 IMG_7812IMG_7826 IMG_7834 IMG_7843 IMG_7846IMG_7848 IMG_7936 IMG_7944 IMG_8015

 

Nagala soo xidhiidh jubalandmedia@gmail.com

Leave a comment

Your email address will not be published.

*