Madaxwayne maxamed cabdulahi Farmaajo oo hambalyo u diray dhaxal sugaha cusub ee wadanka Sacuudiga

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Dhaxal sugaha cusub ee Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan.

Boqorka Sacuudi Carabiya Boqol Salmaan Bin Cabdul Casiis ayaa wiilkiisa u magacaabay inuu noqdo dhaxal sugaha, isagoo ka qaaday wiilkii walaalkiis oo ahaa Dhaxal sugaha.

Fariin ku qorneyd afka Carabiga oo la soo dhigay Barta Twitterka ee Villa Somalia ayaa waxaa Madaxweyne Farmaajo ugu hambalyeeyay Dhaxal sugaha cusub ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed Bin salmaan.

“Waxaan u hambalyeynayaa walaalkey Amiir Maxamed Bin Salmaan oo u adeegaha labada Xaram u magaacay Dhaxal sugaha cusub ee Boqortooyada Sacuudiga Carabiya, waxaan u rajeynayaa Guul iyo Horumar”Sidaas waxaa yiri Madaxweyne Farmaajo.

Maxamed Bin Salmaan ayaa horay u ahaa Dhaxal sugaha labaad ahna Wasiirka Gaashaandhigga Boqortooyada Sacuudi Carabiya, waxaana xilka dhaxal sugaha laga qaaday wiilka ay ilmo adeerka ahaayeen Maxamed Bin Nayef.

 

Leave a comment

Your email address will not be published.

*