Maamulka Gobolka Bay Oo Shaaciyey Hal Arin Oo Xasaasi Ah Oo Ku Saabsan Duminta Guriyaha Sida Sharci Darada Loogu Dhisey Wadooyinka

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Bay Cali C/raxmaan Wardheere ayaa sheegey in la bilaabayo burburinta Dhoor guri oo sharci daro ah oo ay ku yaallaan Isha Baydhabo. Sidoo kale waxa uu xusey in 8/7/2017  la bilaabayo Howlgalkaas, isla markaana waxa uu ugu baaqay dadka degan guryaha sharci darada ah ee uu calaamadeeyey inay Ugu guraan mudo 30 maalmood ah.

Hadalkan ayuu ka jeediyey maanta xili oo calamadeynayay dhowr guri oo ku yaala wadooyinka baydhabo ugu Caansan wuxuuna sheegey in arintan aan u cuntami doonin bulshada baydhabo maadaama buu yiri magaalada ay sii Koreyso loomana bahna in la dhisto wadooyinka magaalada.

Cali Cabdirahmaan Wardheere Gudoomiyaha gobolka bay ayaa dhanka kale sheegey in dhawaan  wadooyinka Baydhabo uu ka bilaaban doono dib u dhis kaasi oo wax weyn ka badalayo xaalada xaatan baydhabo ay ku sugan Tahay.wardhere1 wardhere2 wardhere3

 

 

Leave a comment

Your email address will not be published.

*