Kulan Amniga iyo Abaaraha Lagu Gorfeyey oo ka dhacay Dolow

Kulankan waxaa uu ka dhacay Degmada Dolow Somaliya ee Gobolka Gedo waxaana ka qayb galay maamulada Degmooyinka balad Xaawo Luuq iyo dolow Gudoomiyaha Maamulka Gobolka gedo Xildhibaano ka tirsan Barlamanka Jubaland wasiir ku xigeenka wasaarada Arimaha Gudaha ee Jubaland Abdiraxman Maxamed xusen Ahna Gudoomiyaha Gudiga  abaaraha ee Jubaland.

Waxaana kulanka oo xogwaraysi ahaa shir gudoominayey Wasiirka wasaarada Amniga ee jubaland Abdirashiid xasan Abdinuur waxaana la isku waydaarsaday xaalada amniga ee gobolka Gedo iyo sida wax looga qaban karo abaarta samaynta bahan ku yeelatay Gobolka iyo guud ahaan dalka.

Wasiirka wasaarada amniga ayaa ka warbixinyey xaalada amniga ee gobolka iyo dadaalada ay hayaan ciidamada Jubaland eek u sugan gobolka iyo waliba rag lagu tuhmaayo in ay ka tirsan yihiin al shabab iyo qalab wal xaha qarxo oo lagu soo qabtay shalay.

Sidoo kale waxaa warbixin looga dhagaystay gudoomiyeyaasha degmooyinka iyo gobolka waxa sidookale goobka ka hadlay xildhibaan maxamed afey iyo xildhibaan cabdulahi oo ka tirsan baarlmanka jubaland

Waxaana la isku raacay gunaanandkii shirka in guntiga dhiisha la iskaga dhigo si loo sii wado la dagaalanka cadowga iyo u gargaarida dadka ay baartu samaysay eek u dhaqan jubaland  iy waliba sida looga faaiidaysan karo wabiga Jubba oo maro Gobolka Gedo oo ah Gobolka Labaad ee ugu wayn dalka somaliya   

19075357_1249737881805496_1294024158_n 19075123_1249738041805480_1118367433_n 19074978_1249738355138782_2052547783_n 19047698_1249738538472097_865324856_n 19046690_1249737815138836_784947581_n 19022164_1249737508472200_182071631_n 19022165_1249738225138795_769288715_n 19046681_1249739008472050_1570759298_n 19047691_1249738391805445_2030034518_n 19047656_1249738771805407_952489987_n 19021887_1249737425138875_737395244_n 19021890_1249737735138844_1755635778_n

 

Leave a comment

Your email address will not be published.

*