Kulamo Gooni gooni ah oo caawa ka socda Kismaayo

S09A6178Madaxwaynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Max’ed C/laahi Farmaajo oo uu wehlinayo wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Juxa, xubno ka socday wasaaradda maaliyadda dalka iyo masuuliyiin kale ayaa caawa kulan ay ilbaabada u xiranyihiin guriga martida kula leh Madaxweeynaha Jubaland, kuxigeennadiisa iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada Jubaland.

Ma cadda waxyaalaha diiradda lagu saarayo kulamada, haseyeeshee warar hoose oo ay shabakadda Jubaland Media heleeyso ayaa tibaaxaya in masuuliyiintu ka wada hadlayaan arimo ku saabsan nidaamka mideynta maaliyadda dalka, dardargelinta howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab iyo weliba sidii ay wada shaqeyn toos ah u dhex mari lahayd Jubaland iyo dowladda dhexe.

Dowladda Soomaliya ayaa wada qorshe la doonayo in dowlad goboleedyada dalka ka jira iyo dowladda dhexe ku wadaagaan dhaqaalaha dalka, ayadoo la isla jaangooynayo daqliga kasoo xaroodo ilaha dhaqaale ee uu dalku leeyahay.

Dhanka ammaanka ayaa qeyb ka ah waxyaalaha ay madaxdu diiradda saarayaan, dowlad goboleedka Jubaland ayaa culeys ku saareeysa dowladda Soomaaliya in ay ka qeybqaadato howlgallada lagu xoreeynayo deegaanada ay Shabaab maamulaan ee Jubaland.

Kulamada madaxda wixii kasoo baxa dib ayaan idinka soo gudbin doonnaa.

 

Isha ku hay Jubaland Media, si aad u hesho warar sugan.

 

Nagala soo xidhiidh jubalandmedia@gmail.com

Leave a comment

Your email address will not be published.

*