Kismaayo oo saaka ku waabariisatay Raxmaddi Eebbe

Roobab ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada ayaa ka da’ay magaalada Kismaayo, ayadoo roobabakan ay maalintii labaad ka da’ayaan Kismaayo.

Xalay ayay roobab xooggan ka da’een magaalada, waxaana saaka ay roobabku biyo dhigeen inta badan wadooyinka magaalada.

Jawiga Kismaayo ayaa maanta ah mid aad u qabow, ayadoo dadka reer Kismaayo ay Alle uga mahadceliyeen naxarsiita ku hoortay Kismaayo iyo deegaanada ku xeeran.

Roobabka xilliga gu’ga ayaa ka curtay inta badan gobollada dalkeenna, ayadoo ay kusoo beegmeen xilli ay dalka ka jireen abaaro saameeyay dadka iyo duunyada, balse haatan ayay dadka u muuqdaa kuwo kasoo kabanaya abaarta, maadaama xooluhu ay daaqayaan naqii ku baxay roobka, halka sidoo kale dadka beeraleeyda ah ee gobollada Jubaland iyo qeybo ka tirsan gobollada dalka ay bilaabeen in ay tabacadaan beerahooda.

 

 

 

Nagala soo xidhiidh jubalandmedia@gmail.com

Leave a comment

Your email address will not be published.

*