Jarmalka oo amar duldhigay Ilaalada Madaxwaynaha Dalka Turkiga …..

Jarmalka ayaa digniin u diray ciidamadda ilaaladda gaarka u ah madaxwaynaha dalka Turkiga Racep Tayyip Erdogan, in aysan imaan Karin goobta uu ka dhacayo shirka G20-ga, iyadoo dowladda jarmalka ay ka cabsi qabto, in wixii ka dhacay Maraykanka bishii hore in ay ka dhacaan dalkeeda xili ay sii kordhayso suuro galnimada in ay abaabul dibad bax ka dhan ah Erdogan Mucaaradka Madaxwaynaha  .

Sagaal qof ayaa ku dhaawacantay labba kamid ahaa dad isku soo bax sameeyay ayaa xabsiga loo taxaabay, kadib markii madaxwaynaha Turkiga uu booqasho ku gaaray safaaradda Turkiga ee Washington, dadkaan ku banana baxay Erdogan iyo ciidmadda Ilaalada u ahaa madaxwaynaha ayaa isku dhacay, waxayna taasi dhalisay in ilaaladda madaxwaynaha ay dadka gacan ula tagaan.

Wasiirka Arrimaha dibadda jarmalka ayaa fariintaan si deg deg ah ugu diray Turkiga, una sii sheegay in ilaaladda gaarka ah ee madaxwaynaha in aysan gacanta lasoo geli Karin wax walibaa oo dhacaa, iyaga oo u sheegay turkiga in dalkooda ay marti ku yihiin, isla markaana iyaga ay damaanad qaadayaan amniga madaxwaynaha.

Shirka ayaa dhici doona Bisha soo socota ee July ka dhici doona Hamburg oo Jarmalka ah, waxaana laga cabsi qabaa mucaaradka dalkaasi Turkiga in ay banana baxyo rabshado wataan in ay ka dhigaan dalkaasi Jarmalka

Leave a comment

Your email address will not be published.

*