IGAD oo codsatay in laga gacansiiyo xal u helida muranka sohdinta Jabuuti iyo Eritrea

Xoghayaha Urur Goboleedka IGAD,Maxbuub Macallin ayaa soo saaray Warqad uu Midowga Afrika kaga codsanayo in ay fara gelin deg deg ah ku sameeyaan muranka dhanka Sohdinta ah ee u dhaxeeyay dalalka Deriska ah ee Eritrea iyo jabuuti.

Murankan waxaa uu yimid kaddib markii Dowladda Jabuuti ay xiriirka u jartay Dowladda Qadar oo Ciidamo nabad ilaalin ah ay ka joogeen sohdinta labada dal ee Jabuuti iyo Eritrea,taas oo ugu dambeyntii Ciidankeeda kala baxday,sidoo kale Eritrea oo markii hore dhex dhexaad ka noqotay muranka Khaliijka ayaa markii dambe raacday Sucuudiga.

Ciidamada labada dhinac ee Jabuuti iyo Eritrea ayaa waxaa ay qarka u saaranyihiin in ay isku dhacaan,waxaana ay labada dhinac sheegayaan in haddii lagu soo duulo uu is difaaci doono.

Maxbuub Macallin ayaa Madaxda Midowga Afrika  iyo qaramada midobay ka codsaday in sida ugu dhaqsiyaha badan Guddi xaqiiq raadin ah loogu diro sohdinta labada dal si aanay xaaladda u sii xumaan.

Maxabuub waxaa uu sheegay in Urur Goboleedka IGAD uu diyaar u yahay in nabad ay ka dhalato xadka labada dal haddii laga dalbadana ay ka qeyb qaadanayaan xasilimta xiisadan ka dhalatay bixitaanka ciimada dalka qadar ee halkaasi ku sugnaa kuwaasi oo baxay kadib markii uu xumaaday xariirii jabuutu iyo Doha

IGAD

Leave a comment

Your email address will not be published.

*