Hay’adda SADO oo Kismaayo tababar uga furtay ganacsato yar yar

Hay’adda SADO oo ka shaqeeysa nabadda iyo horumarinta bulshada ayaa magaalada Kismaayo tababar socon doona mudo Laba maalmood ah uga furtay rag iyo dumar ay hay’addu u abuuri doonto ganacsiyo yar yar oo ay noloshooda iyo tan qoyskooda Ku dabaraan.

Tababarkan ayaa lagu siin doonaa waxyaalaha muhiimka u ah ganacsiga iyo siyaabaha ay Ku horumarinta karaan ganacsigooda.

Masuuliyiinta Hay’adda SADO ayaa kula dardaarmay dadka ka faaiideysanaya tababarka in ay si wanaagsan u qaataan casharrada kana faa’iideystaan cilmiga la bari doono oo ay sheegeen in la doonayo in ay ganacsigooda Ku dabaqaan.

Hay’adda ayaa aalaaba ganacsatada yar yar Ku caawisa lacago Kaasha ah oo la siiyo si ay ganacsigooda sare ugu qaadaan.

received_1709254065782240received_1709254029115577received_1709253785782268received_1709253679115612received_1709253785782268received_1709253579115622received_1709253565782290received_1709253445782302received_1709253235782323received_1709252662449047received_1709252702449043

 

Nagala soo xidhiidh jubalandmedia@gmail.com

Leave a comment

Your email address will not be published.

*