Gudiga gurmadka abaaraha JL oo u kuurgalaya saameynta abaaraha ku yeesheen gobolka Gedo

Gudiga gurmadka abaaraha dowlad goboleedka Jubaland oo uu horkacayo wasiir ku xigeenka arimaha gudaha Jubaland Mudane C/raxmaan Max’ed Xuseen oo ah gudoomiyaha gudiga ahna xubin ka tirsan gudiga abaaraha heer Qaran.

Gudiyo ka kooban ururrada haweenka iyo dhalinyarada Jubaland iyo qaar kamid ah masuuliyiinta maamullada degmooyinka ayaa loo kala diray qaar kamid ah degmooyinka gobolka, si ay qiimeyn ugu sameeyaan saameynta abaaraha iyo weliba sida ugu haboon ee wax looga qaban karo.

Arrintan ayaa waxaa gacan ka geeysanaya mashruuca Dalbile, oo aalaaba Jubaland ka caawiya arimaha dib u dhiska iyo is dhexgalka bulshada.

Maanta waxaa Baladxaawo gaaray masuuliyiin uu hogaaminayo wasiir ku xigeenka, waxayna kulamo la qaateen maamulka degmada, iyo ururrada bulshada rayidka ah ee degmadaasi.

 

Nagala soo xidhiidh jubalandmedia@gmail.com

Leave a comment

Your email address will not be published.

*