Gen. Gabre oo laga joojiyay howlihii uu ka hayay Soomaaliya

Dowladda Itoobiya ayaa la sheegay in ay shaqadii ka joojisay Gen Gabre oo mudo dheer ka shaqeeynayay arimaha Soomaaliya, islamarkaana dowladda u qaabilsanaa dhanka howlgallada Al-shabaab iyo weliba xiriirka ay dowladda Itoobiya la leedahay siyaasiyiinta Soomaaliya.

Gen. Gabre ayaa Soomaaliya loo soo magacaabay sanaddu markay ahayd 2006, isagoo taliye guud u ahaan ciidamada Itoobiya ee xilligaasi howlgallada ka waday Soomaaliya.

Ilo ku dhow madaxtooyada Itoobiya ayaa laga soo xigtay in Gen. Gabre laga joojiyay gabi ahaanba howlihii uu ka hayay Soomaaliya.

 

Nagala soo xidhiidh jubalandmedia@gmail.com

Leave a comment

Your email address will not be published.

*