Farmaajo iyo Yoweri Museveni kampala kulmay Iyo Waxyaabaha Laga Wada Hadli doono.

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa ku sugan magaalada Kampala ee xarunta dalka Ugandha, kadib casuumaad uu ka helay dhigiisa dalkaasi Yoweri Museveni.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhigiisa kala hadli doona qodobo gaara oo lagu xoojinaayo arrimaha ka dhexeeya labada dal oo uu ka dhexeeyo xiriir qoto dheer.

Ujeedka ugu weyn ee Socdaalka Farmaajo ayaa lagu sheegay inuu salka ku hayo qodobo dhowr ah, oo ay kamid yihiin ciidamada AMISOM ka jooga Somalia gaar ahaan kuwa kasoo jeeda dalka Ugandha.

Labada Madaxweyne ayaa si qodobeysan uga wada hadli doona arrimo aan sidaa loo sii shaacin oo ay kamid yihiin:-

1-Xoojinta xiriirka labada dal oo beej cusub loo furaayo siyaasada iyo iskaashiga.

2-Amniga iyo kaalinta ay ciidamada Ugandha ay ku leeyihiin nabadeeynta Muqdisho ee caasimada dalka soomaaliya.

3-Dagaal wada jira oo lagu qaado AL-Shabaab, gaar ahaan kuwa ka howlgala Gobolka Shabellaha hoose iyo jubooyinka .

4-In dowlada Ugandha ay Somalia ku caawiso diyaaradaha dagaal ee ka yaala Muqdisho, gaar ahaan Garoonka Aadan Cadde.

5-In Yoweri Museveni uu Taliska ciidamada AMISOM faro inay qaadan duulaan mirro dhal leh oo ka dhan ah al Shabaab

6-Bixinta agabka ciidamada dowlada iyo dib usoo celinta Tababarada joogtada ah ee iminka galay hakatka.

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa sidoo kale dhigiisa Yoweri Museveni kala hadli doona wada shaqeyn wanaagsan oo dhexmarta labada dal.

Leave a comment

Your email address will not be published.

*