Dowladda Soomaaliya: Waan ku faraxsannahay in xukuumadda Hindiya meel mariso…

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay soo dhaweeynayaan tallaabada ay xukuumadda Hindiya qaaday ee ay ku meelmarisay heshiiskii ay la gashay dowladda Soomaaliya ee ku saabsanaa in labada dal is weeydaarsadaan maxaabiista.

Wasiirka warfaafinta Dowladda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in arrintan ay tahay mid dhabaha u xaareeysa sidii dhalinta Soomaaliyeed ee ku xiran Hindiya dalkooda dib loogu soo celin lahaa.

Waxa uu sheegay in heshiisku yahay mid labada dal u fududeeynaya in ay ka wada shaqeeyaan dhinacyada ammaanka iyo weliba in shaqsiyaadka u dhashay Hindiya ee danbi ka gala Soomaaliya loo wareejiyo dalkooda si loogu maxkamadeeyo sidaa si lamid ahna ay sameeyso dowladda Soomaaliya.

Golaha xukuumadda dalka Hindiya ayaa shalay meelmariyay heshiis ay hore u wada gaareen dowladda Soomaaliya iyo Hindiya oo ku saabsanaa in la is weeydaarsado maxaabiista.

 

Nagala soo xidhiidh jubalandmedia@gmail.com

Leave a comment

Your email address will not be published.

*