Dhaqaalaha Soomaaliya oo sedex sano gudahood ka sari mari doona dalal Afrikaan ah

BeyleSida uu warbaahinta u sheegay in wasiirka wasaaradda maaliyadda dowladda Soomaaliya, qorsheyaasha ay dejisay wasaaradda ee ku aadan dhanka dhaqaalaha ayuu xusay in hadii ay u fulaan sida ay ugu talogaleen ay rajeeynayaan in mudo ka yar 3-sano ay Soomaaliya dhanka dhaqaalaha uga sara mari doonto dalal badan oo Afrikaan ah.

Waxa uu xusay in dowladdu dejisay qorsheyaal looga faa’iideysanayo ilaha dhaqaale ee uu dalku leeyahay, isagoo intaa ku daray in canshuuraha laga qaado shacabka ay noqon doonaan isha ugu weyn ee dhaqaalaha dalka.

“Waxaan xoogga saareeynaa in dhaqaale ahaan aan ka dheereeyno Afrikaan kale mudo sedex sano oo nagu soo foo leh,” ayuu wasiirku hadalkiisii raaciyay.

Waxa uu sheegay in mudadaas gudaheeda ay saadaalinayaan in Soomaaliya ay kaalinta 6-aad ka gali doonto dalalka ugu dhaqaalaha badan Afrika.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in dalku u baahanyahay isbadal lacageed, taa oo uu sheegay in ay haatan ku howlan tahay dowladda.

Bulshada Soomaaliyeed ayaa lagu tiriyaa in ay yihiin dad jecel ganacsiga iyo  in ay nolosha horumar ka sameeyaan, ayadoo ay haatan jiraan ganacsato badan oo ganacsiyo waaweyn ku leh dalalka deriska la ah Soomaaliya iyo qaar kamid ah dalalka kale ee caalamka, kuwaa oo dhaqaale lixaad leh soo geliya dalalka ay ku noolyihiin.

 

 

Nagala soo xidhiidh jubalandmedia@gmail.com

Leave a comment

Your email address will not be published.

*