Dhalinyaradii Soomaaliyeed ee ku xirnayd Hindiya oo loo soo wareejin doono Soomaaliya

Dhalinyaro_Burcadbadeed_SoomaaliyeedDowladaha Soomaaliya iyo Hindiya ayaa kala saxiixday heshiis ay labada dhinac isku weeydaarsanayaan maxaabiista si loogu maxkamadeeyo muwaadin kasta dalka uu kasoo jeedo.

“Heshiiska wuxuu fududeeynayaa hadii ay jiraan maxaabiis hindi ah oo Soomaaliya ku xiran amaba maxaabiista Soomaali ah oo Hindiya ku xiran in dib loogu celiyo dalkooda, laguna wareejiyo dowladooda si wadankoodu loogu maxkamadeeyo.

Golaha Xukuumadda dalka Hindiya ayaa aqbalay heshiiska ay wada gaareen laba dal ee Soomaaliya iyo Hindiya ee ay isku weeydaarsan doonaan wixii maxaabiis ah, ayadoo kulanka lagu meelmarinayay heshiiska uu shir gudoominayay raysul wasaaraha Hindiya Nrendra Modi.

Dowladda Hindiya ayaa heshiis kan lamid ah kula jirta dalal dhowr ah oo ay kamid yihiin Ingiriiska, Mouritius, France, Masar, Srilanka, Saudi Arabia, Iran, Bangaladesh, Australia iyo UAE.

Dalka Hindiya waxaa haatan ku xiran dhalinyar Soomaaliya oo ay dowladdaasi ku eedeeysay in ay yihiin Burcad badeed, waxaana dhalintani ay yihiin kuwo sugaya xukun maxkamadeed.

Dhalinyartaasi ayaa la filayaa in bilowga dhaqangalka heshiiska ay dowladda Hindiya ku wareejiso dowladda Soomaaliya.

Nagala soo xidhiidh jubalandmedia@gmail.com

Leave a comment

Your email address will not be published.

*