Dhagayso+Sawiro:- Ururka Haweenka Daryeel oo deeq dhar ah gaarsiiyay dad dhimirka ka xanuunsan

Daryeel Women Group waa urur Haween ah oo ka howl galo degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo islamarkaana  u ololeeya dadka taagta daran waxaana maanta ay dhar gaarsiiyeen dadka ku jira Cisbitalka dhimirka ee Xabeeb ee magaalada Baladxaawo, waxaana dadkan kamid ahaa qaar ay xaaladooda dhanka caafimaadka aad u liidato.

Gudoomiyaha ururka haweenka ee daryeel marwo Sahra ayaa ugu baaqday cid kasta oo ka danqanaysa dhibaatooyinka iyo xaaladaha dhanka nolosha ah ee haysta dadka qaba xanuunada dhimirka ee kujira cispitalkaasi in ay uso gurmadaan islamarkaana ay ka caawiyaan jiifka iyo sidoo kale cuntooyinka quutul daruuriga ah maadaama ay dadkani ubadan yihin kuwo an awoodin in ay helaan tasiilaadka ay ubaahan yihiin.

Mamulka cisbitaalka dhimirka ee xabeeb ayaa dhankooda uga mahad celiyay haweenka Daryeel oo iyagu soo gaarsiiyay bukaanada qaba xanuunka dhimirka dharkan ay kusoo iibiyaan lacago ay iska soo ururiyeen, waxaana ay shegeen in deeqdan dharka ahi ay waxbadan katari doonto baahiyaha ay qabaan dadka dhimirka la’ ee ku jira Isbitalka.

Dhaqaatiirta gacanta ku heeysa isbitalka ayaa sidoo kale ka codsaday dadka wax heysta iyo qurbajoogta u dhalatay gobolka in ay soo caawiyaan walaalahooda ku xanuunsan isbitalka degmadaasi.

 

HALKAAN HOOSE KA DHAGEEYSO WARBIXINTA OO DHAMAYSTIRAN IYO Wariye Shariif Axmed Taajir

 

Leave a comment

Your email address will not be published.

*