Degdeg: wasiir ka tirsan Jubaland oo ku waxyeeloobay Qaraxii Muqdisho

Qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka islamarkaana lala beegsada Saldhigga Degmada Waabari ayuu dhaawac kasoo gaaray Wasiirka Dhalinyarada iyo Isbortiga Jubaland Sheekh Maxamed Awlibaax.

Wasiirka ayaa la  sheegtay in firir ka dhashay qaraxa uu ugu tagay  Hotel uu Ku sugnaa oo ka agdhawaa halkan uu qaraxu ka dhacay uuna kasoo gaaray dhaawac.

Wasiirka ayaa hada lagu daweynyaa mid kamid ah Isbitaallada Muqdisho, ayadoo illoku dhowdhow ay inoo xaqiijiyeen in dhaawacu ka gaaray madaxa.

Qarax ii maanta lala eegtay saldhigga degmada Waaberi ayaa sababay dhimashada 9 qof iyo dhaawaca in ka badan 10 qof.

 

Isha Ku hay Jubbaland  Media.dh6

Nagala soo xidhiidh jubalandmedia@gmail.com

Leave a comment

Your email address will not be published.

*