Dagaal Khasaaro geystay oo dhexmaray Al-shabaab iyo ciidamada Puntland

PSFWararka laga helayo saldhiga ciidanka Puntland ku leeyihiin deegaanka Af-urur ee buuraha Galgala ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal khasaare ba’an geystay, dagaalka ayaa ahaa mid ay soo qaadeen maleyshiyada Al-shabaab.

Maleeyshiyaadka Al-shabaab iyo ciidamada dowlad goboleedka Puntland ayaa la sheegay in uu dhex maray dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana qaatay saacado.

Si rasmi looma oga tirada dhabta ah ee labada dhinac kala gaaray, haseyeeshee warar ku dhow dow halka uu dagaalku ka dhacay oo ay shabakadda Jubaland Media heleeyso ayaa sheegaya in dhimashado kor u dhaafeeyso ilaa 50 qof oo labada dhinac ah.

Taliyaha  Guud ee ciidamada Puntland  Gen. Siciid dheere ayaa saaka gaaray goobta uu dagaalku ka dhacay.
Goordhow ayaa la filayaa in dowlad goboleedka Puntland faahfaahin ka bixiso khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.

Nagala soo xidhiidh jubalandmedia@gmail.com

Leave a comment

Your email address will not be published.

*