DAAWO SAWIRRO:Ra’iisul Wasaare Kheyre oo la kulmay Wafdi ka socda dawladda Ingiriiska

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qaabilay Xoghayaha Horumarinta Caalamiga  ee  Boqortooyada Midawdey ee (UK)  Ms Priti Patel oo ay ka wada hadleen horumarka cusub ee Soomaaliya iyo doorka muhiimka ah ee dawladda UK ku leedahay arrimaha Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaana  si gaar ah  diiradda lagu saaray kulanka maalgashiga iyo soo kabashada dhaqaalaha dalka iyo sida UK ay u xoojin lahayd taageerada ay siineyso Soomaaliya.

Kulanka ayaa ah kii labaad ee wasiiradani ay ku timaado muqdisho waxaana dawlada uk ay dadaal ugu jirtaa sidii ay uga dhabayn lahayd balan qaadyadii ay u samaysay dawladan curdunka ah waxaana sidoo kale ay ka garowsan tahay hufnaanta shaqo e ay la timid dowladan cusub

6Z0A4891 6Z0A4844 g

Leave a comment

Your email address will not be published.

*