Daawo Sawiro+Dhageyso:-Hawl galo kadhan ah Al Shabaab oo kabilaaban doono deeganada jubaland Ee G/Gedo

Kullankani oo ay soo qaban qaabisay wazaarada amniga dowlad goboleedka somaaliyeed ee jubaland ayaa waxa uu kadhacay xarunta degmada belet xaawo ee gobolka waxaana kullankani goob jog ahaa waziirka amniga jubalanad mudane cabdirashiid xasan cabdinuur  janan sarkiisha ciidamada darawiishta taliska  nabad sugida jubalanad ee gobolka gedo iyo dhamaan xubnaha mamulka degmada belet xaawoDSC03993

Kullankani oo dhawr saacadood qaatay ayaa waxa inta badan diirada lagu saarayay howlgalao kadhan ah kooxda shabab ee weli kudhuumaalaysanaya deeganada miyiga ah waxaana uu waziirka aniga jubalanad mudane cabdirashiid janan uu wacad kumaray in laga sifayn doono kooxda shabab meelaha ay kga sugan yihin deeganada jubaland isagoona   ugu baaqay ciidamada dowlad gobleedka jubaland in ay udiyaar garoobaan sifaynta al shabab

DSC03999

Ugu dambayntiina waziirka amniga jubaland mudane cabdirashid janan ayaa katacsiyadeeyay dhagartii ay shalay  usoo maleegeen shababka muslimiinta ee kunool mgalada kismaayo  ee xarunta kumeel gaarka dwlad goboleedka jubaland waxaana uu tilmaamay in al shabab ay mar walba ubarteen daadinta dhiiga umada soomaaliyeed islamarkaana laga feejignaado dhagarta ay marwalba soo maleegayaan  isagoona laamaha amaanka kula dar daarmay in ay sii laba jibaaraan howlada kadhan ka ah maleeshiyada alshabab

 

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WARBIXINTA OO DHAMAYSTIRAN

IYO SHARIIF AHMED TAAJIR

Leave a comment

Your email address will not be published.

*