Daawo Sawirada 61 Barakacyaal Ah Oo Ka Yimid Degamada Rabdhuure Ee Gobolka Bokool Oo Baydhabo Soo Gaarey

Tawakal 1 Waa kaam ku yaala duleedka baydhabo waxaa ku sugan barakacyaal ay saameysay Abaarta ku habsatey Inta badan gobolada dalkeena maanta ayaan u kuur galay xaalada dadka Barakacyaasha si aan u ogaado Marxaalada dhabta ah ee ay ku sugan yihiin.
Kaamka waxaa maanta ku soo kordhey lexdan iyo kow qof kuwaasi oo u badan Caruur iyo Haweyn kana imid Degmada rabdhuure ee gobolka bokool ee dhawaan shabab la wareegey Walina laga dareemayo sameynta abaarta Qaar kamid ah Barakacyaasha abaarta la degtay ayaan wax ka weydiiyay dhibaatada iyo Marxaalada ku qasabtay in deegaanadooda ay ka soo tagaan.

Waxaa nagu qasbay inaan halkan imaano kana soo tagno goobteena cuno la.aan ka jirtay deegaanadeena iyo shabaab oo gacanta ku haya aan ogolen gurmad iyo gargaar toona sanadkan waxaan la kulaney abaar iyo colaad taasi oo na dhaafisay xoolihi aan dhaqan jirney sidaasi waxaa Www.Jubalandmedia.com u sheegtey Hooyo Nadiifo maxamed Cadow.
Nasro Maxamed Warsame Gudoomiyaha Kaamka Tawakal 1 Ee baydhabo ayaan waydiiyay Sida dadkani ay ku yimadeen iyo waaxa loo qabtay markii ay soo gareen kaamka Gudoomiyaha ay ka tahay ayadoo Dhanka kale baaq u dirtay maamulka koonfur galbeed iyo hay.adaha Deeq bixiyaasha.

Bulshadan tan iyo wakhtigi ay yimadeen ma aysan helin wax gargaar ah marka laga reebo dadka kaga soo horeeyay kaamka oo waxyar oo habeen ay ku joogaan siiyay hadana waad u jeedaa waxba looma haayo waxaan ka codsaneynaa dowlada koonfur galbeed iyo hay,adaha Deeq bixiyaasha inay u soo gurmadaan dadkan aadka u tabaaleysan Sidaasi waxaa Yiri Nasro Maxamed Warsame Gudoomiyaha Kaamka Tawakal 1,
Bani,aadam Cadowgiisa waa col iyo abaar kuwaasi oo sababa Noolal xumo iyo geeri Gobolka Bokool waxaa uu kamid yahay gobolada wehelka u noqday colka iyo abaarta hada wali waxaa ka muuqanaya farihii ay ku reebtey abaarta Xaalufisey Dalkeena Qeybo Badan oo kamid ah.

Q-W-Mohamed Adam Socdaal

Leave a comment

Your email address will not be published.

*