Daawo: Kismaayo oo laga daahfuray Dallada aqoonyahannada qurbaha kasoo laabtay

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ayaa laga daahfuray dallad ay ku mideeysanyihiin aqoonyahannada kasoo laabtay qurbaha, taa oo ujeedkeedu yahay in dhalinyarada aqoonta leh ee dalka kusoo laabtay ay yeesheen madal ay ku kulmaan islamarkaana bulshada uga faa’iideeysan karaan aqoontooda.

Xafladdii daahfurka dalladan cusub ayaa waxaa ka qeybgalay masuuliyiin ka tirsan maamullada degmada Kismaayo iyo kan gobolka J/hoose, madaxda dalladda Daneeyeyaasha aan dowliga ahayn ee Jubaland iyo marti sharaf kale.

Ugu horeyn waxaa munaasibadda ka hadlay masuuliyiinta dallaada aqoonyahannada qurbaha kasoo laabtay, ayagoo sheegay in aasaaska dalladan ay ka danbeeysay kadib markii dhalinyaro badan oo qurbaha wax kusoo bartay ay dalka kusoo laabteen gaar ahaan deegaanada Jubaland, ayna arkeen in ay muhiim tahay in la mideeyo aqoonyahanada dalka jooga.

Waxay sheegeen in aqoontooda ay uga faa’iideyn doonaan dowladda iyo shacabkaba, ayagoo ka codsaday Jubaland iyo ururrada bulshada rayidka ah in ay la shaqeeyaan.

Gudoomiyaha dallada daneeyeyaasha aan dowliga ahayn Mudane Max’ed Naasir ayaa sheegay in ka dallad ahaan ay ku faraxsanyihiin in Kismaayo ay ka daahfuraan dallad mideeysa aqoonyahannada dalka kusoo laabanaya, taa oo uu sheegay in ay kusoo beegantay waqti loo baahnaa.

Waxaa sidoo kale madasha ka hadlay masuuliyiintii kale ee kasoo qeybgashay xafladda, kuwaa oo dhammaantood bogaadiyay dallada cusub ee looga dhawaaqay Kismaayo.

Gudoomiye kuxigeenka degmada Kismaayo Mudane Cabdi Barre oo ugu danbeeyn madasha ka hadlay ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay soo dhaweynayaan dhalinta wax baratay ee ku midoowday dallladan, isagoo xafiisyada kala duwan ee wasaaradaha iyo xarumaha kale ee dowlad goboleedka Jubaland ugu baaqay in ay ka faa’iideystaan dhalinta wax baratay oo ay fursado ka siiyaan xafiisyada maamulka.

Waxa uu sheegay in ka maamul ahaan ay garab istaagi doonaan, kuna caawin doonaan dhalinta sidii ay ku gaari lahaayeeen hadafkooda iyo weliba in aqoontooda ay ka faa’iideysan doonaan.

IMG_20170623_203307 IMG_20170623_203318 IMG_20170623_203613 IMG_20170623_203627 IMG_20170623_203829 IMG_20170623_204937

 

Nagala soo xidhiidh jubalandmedia@gmail.com

Leave a comment

Your email address will not be published.

*