Ciid Wanaagsan: Umadda Muslimiinta ah oo ay berito u tahay maalin ciid ah

Inta badan dunida Muslimka ah, gaar ahaan dalkeenna Hooyo ee Soomaaliya ayaa maalinta berito ah looga dabaaldegayaa munaasibadda ciidda Barakeeysan ee ciidul Fitriga.

Magaalada Kismaayo ayaa kamid ah goobaha laga shaaciyay in ay berito ciid tahay, waxaana caawa la maqlayaa Takbiirta oo laga aqrinayo inta badan masaajidda ku yaal Kismaayo.

Maamulka iyo shaqaalaha shabakadda Jubaland Media waxay farxadda ciidda la qeybsanayaan guud ahaan umadda Muslimka ah, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed.

Waxaan idin leenahay Ciid Wanaagsan, Ciiddan teeda xigta nabad iyo caafimaad Alle hanagu gaarsiiyo.

Waxaan sidoo kale Alle uga rajeeyneeynaa dhammaan umadda Muslimiinta ah in uu ka aqbalo cibaadada iyo Soonka bishii Barakeeysneyd ee Ramadaan.

 

Nagala soo xidhiidh jubalandmedia@gmail.com

Leave a comment

Your email address will not be published.

*