Boqortooyada Sacuudi arabiya oo sheegtay in ay fashilisay weerar Ku wajahan…

Wararka ka imaanaya dalka sacuudi carabiya ayaa shegaya in ay ciidamada amaanku ka hortageen weerar lala damacsanaa dhulka  barakaysay Wasaarada arrimaha gudaha ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in dhisma uu ku jiray qofka weerarka fulin rabay ay ciidammada hareereeyeen kadibna uu is qarxiyay._96623022_capture

Dhismaha ayaa burburay waxaana ku dhaawacmay 11 qof oo ay ka mid yiihiin askar booliiska ka tirsan  Shan qof oo mintidiin ah oo looga shakisan yahay weerarka ayaa xabsiga loo taxaabay sida ay sheegeen saraakiisha .Malaayiin qof oo Muslimiin ah oo ka kala timid daafaha caalamka ayaa isugu soo uruuray magaalada Makka dhamaadka bisha barakaysan ee Ramadaanka si ay u cumreystaan Saraakiisha Sacuudiga ma bixin faahfaahin ku aadan weerarkan la fashiliyay.

Weeraradaas ayaa waxa inta badan lala bartilmaameedsaday dadka Shiicada ah ee looga tirda badan yahay dalkaasi iyo ciidammada ammaanka Bishii July 2016, afar ka tirsan ciidamada ammaanka ayaa lagu dilay weerar ismiidaamin ahaa oo lagu qaaday meel u dhaw masaajidka barakaysan ee Madiina

 

Leave a comment

Your email address will not be published.

*