Askari Shabaab oo Afmadow iska Dhiibay iyo dagaal lala galay rag ku daba jiray

Maamulka degmada Afmadow ee gobolka J/hoose ayaa sheegay in askari ka tirsnaa kooxda Al-shabaab uu shalay gelinkii danbe iska soo dhiibay degmadaasi, kaa oo ay sheegeen in uu ka tirsanaa ciidamada Jabhadda loo yaqaan ee weerarrada gaadmada ah fuliya ee kooxdaasi.

Gudoomiyaha degmada Afmadow Sheekh Max’ed Dhaqane oo qadka teleefonka ugu waramay shabakadda HOL ayaa sheegay in askariga uu xiriir lasoo sameeyay maamulka, kadibna marka uu usoo dhawaaday magaalada uu soo wacay, waxa uu xusay in ay uga hortageen meel qiyaastii 7-km u jirta Afmadow.

Meesha ninkani laga soo qabtay ayaa qiyaastii 7 Km u jirta degmadaasi.

Waxa uu intaa ku daray in iska horimaadka dhexmaray ciidamadooda iyo Al-shabaab, isagoo intaa ku daray in iska horimaadkaasi ay qasaaro ku gaarsiiyay maleyshiyaadkii Al-shabaab.

Mudooyinkii u danbeeyay waxaa degmadaasi kusoo badanayay ragga ka tirsan Al-shabaab ee isu soo dhiibaya Al-shabaab.

 

Nagala soo xidhiidh jubalandmedia@gmail.com

Leave a comment

Your email address will not be published.

*