Al-shabaab iyo ciidamada Jubaland oo xalay dagaalamay

Maleeyshiyaad ka tirsan Al-shabaab iyo ciidamada Jubaland ayaa xalay fiidkii abaare 8:00 fiidnimo waxa uu iska horimaad ku dhexmaray tuulada Lugloow oo hoostagta Kismaayo islamarkaana kaga beegan dhanka waqooyi.

Iska horimaadka oo ahaa mid xooggan ayaa yimid kadib markii dagaalayahanno ka tirsan Shabaab ay weerareen fariisin ay ciidamada Jubalan dku lahaayeen deegaanka Lugloow, waxaana labada dhinac dhex maray dagaal socday ku dhawaad 30 daqiiqo.

Saraakiisha ciidamada Jubaland ayaa sheegay in iska horimaadkaasi ay qasaarooyin lixaad leh ku gaarsiiyeen Al-shabaab, waxaana ay soo bandhigeen Askari ka tirsan Al-shabaab oo lagu soo qabtay dagaalkaasi.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in laba askari ay Shabaab uga dileen weerarka.

Waa wiil aad u da'yar oo u dagaalamayay Shabaab oo lasoo qabtay

Waa wiil aad u da’yar oo u dagaalamayay Shabaab oo lasoo qabtay

 

Nagala soo xidhiidh jubalandmedia@gmail.com

Leave a comment

Your email address will not be published.

*