Abdiraxmaan iyo Abdirashiid oo ka tacsiyey Geerida Marxuum Awlibaax Baaqna Diray…..

Wasiirada kala wasiirka amniga  ee Dwalad Goboledka Jubaland Cabdirashiid xasan Cabdi Nuur iyo wasiir kuxigeenka Arimaha Gudaha ee Jubaland abdiraxman Maxamed Xuseen ayaa Tacsi u diray  Ehelada Caruuta iyo dhamaan Asxaabta shacabka Reer Jubaland  ee uu ka baxay Allaha u Naxariistee Marxuum Wasiir hore Sh maxamed Awlibaax oo shalay ku geeriyooday  qarax ka dhacay Degmada Waaberi

 

Wasiiradan oo sugan Degmada Dolow ee Gobolka Gedo ayaa ilaahay uga baryey in uu jano Fardowso ka waraabo wasiirkii dhainyarada Iyo ciyaaraya ee jubaland oo kamid ahaa Aas aasayaasayaashii jubaland sidoo kalena qayb laxaadleh ka qaatay ladagaalankii alshabab looga xoreyey deegaano Badan oo ka tirsan Gobolka gedo

 

Ugu danbaytii ayey ugu baaqeen Dawlada faderalka ee somaliya in ay sii laban laabto ladagaalanka Argagixisada ayna xoojiyaan xasilinta amniga  caasimada  oo ah muraayadii dalka si ay u nabad helaan shacabka umada soomaaliyeed ee dhibaatada ay ku hayaan Nabad diidka

Warerkii waaberi ayaa noqonaya kii sadexaad ee sagaal bari gudahood ka dhaca caasimada somaliya kaasi oo galaaftay nolosha in ka badan 51 qof

Leave a comment

Your email address will not be published.

*