Jubaland: Dowladda Soomaaliya diyaar uma ahan in la qeybsado Khayraadka dalka

Dowlad goboleedka Jubaland ayaa ku eedeysay dowladda Soomaaliya in aysan diyaar u ahayn in la qeeybsado khayraadka dalka, ayagoo dhinaca kale ku eedeeyay wasaaradda kalluumeysiga dalka in ay ka laabatay heshiis ay markii hore usoo bandhigtay dowlad goboleedyada oo ay aqbaleen.

Shirkii golaha wasiirada Jubaland ee Khamiislaha ahaa ayaa maanta arimahaasi diiradda lagu saaray, waxaana qodobka ugu weyn ee shirkaasi looga dooday uu ahaa arimaha ku saabsan heshiisii Sycheles ee qeybsiga Khayraadka kalluumeysiga Tunnaha.

Dowladda dhexe ayaa dhawaan sheegtay in ay hakisay shir la filayay in uu ka dhaco Sycheles oo looga hadlayay arimaha kalluumeysiga, ayadoo baaqashada shirka sabab uga dhigtay in Puntland ay kahor timid saami qeybsiga.

Daawo Wasiirka Maaliyadda Jubaland oo faahfaahinaya natiijada shirkii golaha wasiirada Jubaland.

 

Nagala soo xidhiidh jubalandmedia@gmail.com

Leave a comment

Your email address will not be published.

*