DAAWO: Axmed Madoobe: Xafaladdii Cadaado Faa’iido ayay u lahayd madaxda dalka

Axmed maxamed islam madaxwaynaha dawlada gobleedka jubaland iyo wafdi balaaran oo kala qayb galay munaasabadii caleemo saarka madaxwayanaha galmudug ayaa maanta dib ugu soo laabtay magalada kismaayo.

waxana madaarka ku soo dhaweeyey xubnaha labada gole ee dawlad Goboleedka Jubaland oo uu hogaaminaayyey Madaxwayne kuxigeenka koowaad ee jubaland Maxamuud sayid adan.

Madaxwayne axmed ayaa gacan qaaday xubnaha labada Gole ee kusoo dhaweyy garoonka waxaan intaasi kadib uu warbaahinta kula hadlay qaybta nasashada ee garoonka.

Mudane axmed maxamed islam ayaa sheegay in ay faaiido wayn u  ahayd  madaxda somalida in ay halkaas ku kulman waxaan uu intaasi ku daray in ay isagu u muuqatay Midnimada umada Soomaliyeed.

Madaxwayne axmed ayaa sheegay in ay gaareen madaxda galmudug iyo puntlanad go aan geesinimo leh ayna qayb  wanagsan ka qaadan doonto isku soo dhawaynta iyo wada noolaashaha bulshada walalaha ah  waxaana uu intaas ku daray  dawada qayb ka tahay kulamada madaxda iyo isku socodka.

 

 

 

 

Leave a comment

Your email address will not be published.

*