senotar fartaag oo eed usoo jiidey guddiga doorashada

Guddiga doorashada madaxtinimo ee labada aqal ayaa lagu eedeeyey in aysan dhexdhexaad ka ahayn doorashada dhici doonta 8da bisha Feberaayo ee madaxtinimo kadib markii mid ka mid ah guddiga uu si fagaaro ah u taageerey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Jeneraal Cabdullaahi Fartaag oo aqalka sare ka tirsan, islamarkaasina xubin muhiim ah ka ah guddiga doorashada ayaa xaflad ka dhacday hotel SYL ka sheegey in uu u codeyn doono madaxweyne Xasan Sheekh.

Taasi waxa ay keentey in guddiga lagu eedeeyo in aysan dhexdhexaad ka ahayn musharixiinta.

Inkasta oo mid kasta oo guddiga ka mid ah uu leeyahay cod uu ku dooran doono musharaxa uu doonayo, ayaa hadana waxaa guddiga laga doonayaa in aysan kala dhaweysanin musharixiinta, islamarkaasina u ololeynin musharax gaar ah.

 

 

Nagala soo xidhiidh jubalandmedia@gmail.com

Leave a comment

Your email address will not be published.

*