Goobta doorashada oo laga mabnuucey in lacag lasoo galiyo

Guddiga anshaxa iyo asluubta doorashada ayaa sheegey in wax lacag ah aanan lala soo gali karin goobta doorashada.

Sidoo kale guddiga ayaa sheegey in la xadidi doono dhaqdhaqaaqa goobta doorashada gudaheeda inta ay doorashada socoto si looga hortago gorgortanka siyaasadeed.

Guddigan ayaa waxaa madax ka ah Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, wuxuuna sheegey in shaqo adag ay u taalo sidii ay u dhici lahayd doorasho xalaal ah.

Nagala soo xidhiidh jubalandmedia@gmail.com

Leave a comment

Your email address will not be published.

*