Farmaajo “Qofkii soo sheega baabuur qarax ah, $100 kun ayaa la siin”

Mid ka mid ah musharixiinta u taagan xilka madaxtinimo ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta qeyb ka ahaa musharixiintii hadalka ka jeediyey baarlamaanka ayaa sheegey in haddii la doorto uu qof kasta oo soo sheega gaari qarax ah lagu abaalmarin doono boqol kun oo doolar.

download (1)

Musharax kale ayaa isna sheegey in haddii la doorto uu xilalka maaliyadda oo dhan u dhiibi doono dumarka.

Cabdullaahi Cilmooge Xirsi oo shalay isagu hadlayna waxa uu balanqaaday in uu dhameyn doono khilaafka Ahlu Sunna Waljamaaca, islamarkaasina xalin doono arrimahooda.

Maanta ayay soo gabogabowdey , iyada oo ay hadalka jeediyeen illaa 24 musharax.

 

 

Leave a comment

Your email address will not be published.

*