Dooda musharaxiinta madaxweynima oo gor dhow muqdisho ka bilowmaya

Khudbadaha musharixiinta madaxweynaha ayaa maanta bilowmaya, waxaana xildhibaanada labada Aqal dhegaysan doonaan khudbadaha 8da musharax ee ugu soo horeya sida lagu qorsheeyay jadwalka doorashada madaxweynaha.

Amaanka magaalada ayaa la adkeeyay,qaybo ka mid ah wadada Makka Almukarrama ayaa xiran, gaadiidka iyo dadka ayaa meelaha qaar laga celinaya wadadaasi , ciidamo ayaa ku sugan isgoysyada iyo wadooyinka soo gala xarunta golaha shacabka.

Magacyada 8da musharax ee maanta khudbadaynaysa:

Axmed Maxamed Cabdi
Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi
Bashiir Raage Shiiraar
Jibriil Ibraahim Cabdulle
Xasan Sheekh Maxamuud
Saciid Cabdullaahi Deni
Saciid Ciise Maxamuud
Shariif Sheekh Axmed

Guddiga Doorashooyinka madaxweynaha ayaa sadexda maalmood ee khudbadaha musharixiinta la dhegaysanayo , waxaa uu ugu talagalay in maalintiiba khudbado jeediyaan 8musharax, sidaasina ay fursad siman kuwada helaan 24ka musharax.

Leave a comment

Your email address will not be published.

*