Cumar Cabdirishiid oo ka hadlay baddii uu muranka galiyey

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirishiid ayaa soo dhaweeyey go’aankii ay gaartay maxkamadda caddaalada adduunka ee ku saabsanayd dhul badeedka Soomaaliya ee ay Kenya Sheeganayso.

Cumar ayaa ahaa ra’isulwasaarihii meelmariyey heshiiskii isfahamka ahaa ee ay Kenya u cuskatay in ay ku sheegato badda Somaaliya.

“Waxaan ku kalsooneyn in Soomaaliya ay ku guuleysaneyso dacwadaan. Maanta, waxaan aragnaa natiijada dadaalka xukuumadaha ku meel gaarka iyo xukuumadda hadda jirta ay ugu jireen difaaca xuduudaheena. Waa dadaal isku dhaf ah oo loo galay difaaca israacsanaanta dhulkeena,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

“Waxaan u hambalyeynayaa qareenada Soomaaliyeed ee ka dooday dacwadaan muhiimka ah. Waxaan rabaa in aan xasuusiyo Soomaalida, gaar ahaan hoggaamiyeyaasha siyaasadeed, in ay muhiim tahay in hal hadaf la wada yeesho. Dacwadaan waxaa ay ka dhexeysaa labo dal ee ka ma dhexeyso Soomaali. Waa in hadafku uu noqdaa in lagu guuleysto dacwada oo la difaaco xuduudaheena ee maahan hadafku in loo adeegso hadaf siyaasadeed . Waxaan idiin sheegayaa in marxaladdan ay tahay mid taariikhi ah,” ayuu yiri.

Leave a comment

Your email address will not be published.

*